
19d ago
Opportunities in the same field and role category

19d ago

Telecommunication
Fursad Tababar | Internship Opportunity
𝐀𝐦𝐭𝐞𝐥 waxay fursad tababar shaqo siinaysaa dhalinyarada firfircoon ee doonaysa inay dhistaan khibrad dhab ah oo ku saabsan Suuqgeynta, Iibka iyo La Macaamilka Macaamiisha.
Tababarkan wuxuu ku siinayaa fursad aad ku baran karto shaqada dhabta ah ee suuqa, sida loo suuqgeeyo loona iibiyo adeegyada shirkadda, loo dhiso xiriir wanaagsan oo macaamiisha ah, iyo sida loo gaaro yoolalka iibka.
𝐒𝐇𝐔𝐑𝐔𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀𝐑𝐀𝐁𝐎
• Inuu haysto shahaado dugsi sare oo sax ah.
• Inuu leeyahay xirfado wanaagsan oo isgaarsiineed iyo la macaamilka bulshada.
• Inuu yahay qof firfircoon, xilkas ah, karti leh, daacad ah, una heellan shaqada.
• Inuu awood u leeyahay inuu si wanaagsan ula macaamilo macaamiisha iyo bulshada.
• Shahaado jaamacadeed waa faa’iido dheeraad ah.
𝐆𝐎𝐎𝐁𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐍𝐀𝐘𝐎
📍 Muqdisho
📍 Jowhar
📍 Afgooye
📍 Beledweyne
📍 Guriceel
📍 Dhuusamareeb
📍 Cadaado
𝐗𝐈𝐋𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐀𝐌𝐀 𝐃𝐀𝐌𝐁𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐎𝐃𝐒𝐈𝐆𝐀
20 November 2026.
𝐒𝐈𝐃𝐀𝐀𝐃 𝐔 𝐂𝐎𝐃𝐒𝐀𝐍 𝐊𝐀𝐑𝐓𝐎
Fadlan kusoo dir codsigaaga iyo CV-gaaga emailka:
𝐅.𝐆:
Tababarkani waa Commission-Based Internship, taas oo macnaheedu yahay in qofka la siinayo fursad uu dakhli ku kasban karo iyadoo lagu saleynayo waxqabadkiisa iyo iibka uu sameeyo.
Inta uu socdo tababarka, qofka waxaa sidoo kale loo diyaarinayaa Transportation Incentive (guno gaadiid) si looga taageero kharashaadka gaadiidka ee la xiriira shaqada.
𝐀𝐦𝐭𝐞𝐥 – Fursaddaada ka bilow maanta, khibraddaada berrina dhis.
Kordhi fursaddaada shaqo helid! Ka dhex sameyso ShaqoHel resume xirfadeysan oo buuxiya shuruudaha shirkadaha iyo loo-shaqeeyayaasha — deg deg ah oo bilaash ah.
Submit your CV directly to Amtal before the deadline.
Send your CV & cover credentials to the hiring team

Telecommunication

19d ago
Recently published job openings across all industries

1h ago

1h ago

1h ago

2h ago